Q.M : Colaadaha iyo dhibaatada Hawlgallada Nabad-ilaalinta

Views: 151

London (Kasmo), Ugu yaraan 50 aag oo dagaallo ka jiraan dunida, Ciidanka ugu muhiimsan ee nabadda xaqiijiya ma ahan Booliska iyo Militariga maxalliga ah ee waa kuwa Qarammada Midoobay (Peacekeeping) ee loo yaqaanno ‘Blue Helmets’.

Ciidammadaas  oo tirada ka joogta 14 dal gaarayso 78,000 oo askari iyo 25,000 oo rayid ah waxay noqonayan ciidanka 2aad ee ugu badan Dunida ee dalal shisheeye jooga, marka laga reebo kuwa Maraykanka.

Min Haiti ilaa Mali, Kosovo ilaa South Sudan waajibaadka xoogagga Nabad ilaalinta Q.M. waa ilaalinta nabadda iyo amniga dalalka dagalladu ragaadiyeen.

Waxay badbaadiyaan rayidka, ku-dhowaad 1 bilyan iyo bar dad ah, waxay tababar siiyaan Boliiska, hubka ka dhigaan maleeshiyaadka, fidiyaan gargaaka degdegga ah, korjoiogteeyaan xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta jinsiga.

Fashalka hawlgallada Nabad ilaalinta

Mararka intooda badan Ciidanka Q.M. waxay goobjoog u noqdaan xaalado iyo kacdoommo ayan lahayn awood ay wax uga qabtaan. Xitaa mararka ay ku guuleystaan soo celinta kala dambaynta waxay isaga baxaan dhulalka ka hor inta aan nabad waarta salka loo dhigin.

Sababaha fashalka Hawlgallada Nabad-ilaalintu waa 2. Ciidammada waxaa Qarammada Midoobay ugu yabooha dalalka xubnaha ka ah, inta badanna maalgalintu waa mid aan ku fillayn.

Iyada oo dhaqaalaha ay heli karto le’egyahay qiyaastii $7 Bilyan oo Dollar oo qur ah sannadkii, taas oo ka yar 0,5% kharajka guud ee militariga Dunida, Qarammada Midoobay waxaa laga rabaa in ay gacan ka gaysato in ka badan rubuc dagaallada socda.

Taasi waxaa wehelisa in Q.M.  haysan ciidammo ay leedahay oo gaar u ah laakiin ay ku xisaabtanto askarta dalalka xubnaha ka ah, kuwaas oo doorbida in ayan askarahooda halis ku galin dagaallo aan dani ugu jirin iyaga.

Waxaana ka dhalata in ay muddo dheer qaadato ka hor inta aan la isku dubbaridin ciidankii loo baahnaa,  kuwaas oo inta badan noqda askar mushaaku hooseeyo iyo tababarkooduna liito kana soo jeeda dalalka soo koraya.

Tusaale muuqda waxaa  ah in sannadkii 2018kii dalalkii ciidammada ugu yaboohay hawlgallada Nabad-ilaalinta  ee Qarammada Midoobay  ahaayeen Bengladesh, Itoobiya iyo Ruwanda.

Dalalka xubnaha ah marka ay ciidammadooda bixiyaan waxay faraha la galaan Hawlgallada Qarammada Midoobay, natiijaduna waxay noqotaa in ciidammadaasi ka amar qaataan dalalkii soo diray ee anay u hoggaansamin jaranjarada Taliska Qarammada Midoobay.

Istrateejiyad khaldan

Sababta 2aad ee fashalka Hawlgallada Nabad-ilaalinta Q.M. waa mid istrateeji ah, dalalka dagaalladu ka socdaan, Q.M.  si ay colaadaha u soo afjarto, waxay kula dhaqantaa habka ‘top-down’ oo macnaheedu yahay in ay u xishaan gacan siiyaanta xukuumadaha dalalka ay martida u yihiin.

Habkaasina wuxuu ku fadhiyaa abaabulidda shirar nabadeed oo loola jeedo sidii heshiis loo dhex dhigi lahaa garabyada is haya, marka dhexdhexaadinta lagu guulaystana waxay dabada ka riixaan sidii doorashooyin loogu qaban lahaa wakhti gaaban gudihiis, iyaga oo u arka qaabka ugu habboon ee loo joogteyn karo nabadgalyada.

Laakiin doorashooyinku mar kasta ma noqdaan qalab xal keena, haddii waliba dalka oo aan diyaar u ahayn la qabto waxay keenaan dhibaatooyin ka badan faa’idadooyinkii laga sugaayay.

Dib u eegista Hawlgallada Nabad ilaalinta (Peacekeeping)

Muddada dheer waxaa lagu ogaaday in qaab-hawleedkani noqday fashilaad, gaar ahaan 1 sabab darteed oo ah isaga oo xisaabta aan ku darin in marar badan dagaalladu ka dhashaan qardoofooyin maxalli ah oo aanay ahyn oo qur ah kuwo ku lug leh arrimo waddani ah ama caalami ah.

Si ka badan sida loo malaynayo is qabqabsiyadu waxay ka dhacaan arrimo la xiriira nolol-maalmeedka sida dhulka, biyaha, daaqsinta ama awoodaha maamulka. Si kasta ha ahaatee, marka laga tago iinaha abaabulka la xiriira, goobo badan oo dagaal Ciidanka Q.M. waa xoogga qur ah ee dadweynaha rayidka ka badbaadin kara xadgudubyada askarta iyo kooxaha fallaagada.

Markaas waxaa loo baahnan lahaa in dib looga fikiro Hawlgallada Nabad ilaaninta si ay u tixgaliyaan hadba dhumucda maxalliga ah ee dagaallada.

Dadaallo ku aadan jihadaan waxaa la sameeyay bishii Juun 2015kii,markaas oo Fadhigii Guud ee Golaha Ammaanku, Koox madaxbannaan oo Q.M. u xilsaartay hoosta ka xarriiqeen muhimmadda ay leedahay sidii Hawlgallada loo waafajin lahaa xaaladaha ay ku hirgalayaan.

Qaab-hawleedka Hoos-kor (Bottom-top approach)

Dhibta ugu weyn ee Q.M. haysata waa iyada oo doonaysa in ay xaaladaha kala gedisan ee Gobollada dusha uga keento dhaqanno caalami ah oo aan la waafajin baahida dadka rayidka ah.

Severine Autesserre, Cilmi-baare ka tirsan (Arnold A Saltzman Institute of War and Peace Studies)  waxay la tahay in istratejiyada saxda ah tahay middaas cagsigeeda oo ah habka ‘bottom-top’ oo hoosta iyo xaqiiqada maxalliga ah laga soo bilaabo, si loogu dejiyo qorshihii ku habboonaa.

Warki oo kooban Q.M. waxa la gudboon in ay xoogga saarto sidii, dhulalka ay ka hawlgasho uga abuuri lahayd Xafiisyo iyo Waaxyo takhasus u leh oo shaqaaluhu ka koobanyihiin khubaro aqoon u leh tifaftirka iyo xallinta khilaafaadka maxalliga ah.

Autesserre waxay qabtaa in mudnaanta la siiyo hawlwadeenno dhulka u dhashay, si ka duwan habkii loo dhaqmi jiray oo ahaa qorashada shaqaale shisheeye ah, taas oo qalbijab soo noqnoqda ku dhalisa dadka rayidka ah.

Xiisaddu waxay sannadadii u dambeeyay ka taagnayd sababta heerka nolosha ay ku jiraan shisheeyaha hawlgallada jooga, oo ka sarreeya dadka dhibtoonaya, dhaliishuna waxay gaartay heer xitaa laga hadlo gumaysi cusub (Neo-colonialism).

Dhaqanka noocaas ah wuxuu marar badan sababay in ay meesha ka baxdo wada shaqayntii ay u baahnaayeen mashaariicda Q.M. Hawlgallada Nabad ilaalinta oo ah aalad caadil ah, si baaxad lehna  loo wada aqoonsanyahay, waxay kaalin mug leh ka qaadan karaan isku-dhacyada caalamiga ah, haddii sidii habboonayd loo hagaajiyo.

 

Source:Kasmo Online
Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

0

Your Cart