Maalinta Caalamiga ah ee Dumarka iyo Sayniska

Views: 219
Kasmo AdVert

London (Kasmo), Qarammada Midoobay waxaa maanta oo kale, 11ka Febraayo, laga xusayaa maalinta hablaha ku jira aqoonta iyo sayniska, taas oo lagu gaaray Qaraarka tirsigiisu yahay A/Res/70/212 ee Disembar 2015.

Ujeeddaduna waxay ahayd sidii hore loogu sii wadi lahaa, loona dhiirrigalin lahaa, in kasta oo horumar laga sameeyay, doodda sinnaan-la’aanta ka jirta ragga iyo dumarka, marka laga hadlayo dhinacyada sayniska iyo Teknoloojiyada.

Q.M. waxay intii muddo ahba xaaladahaas kula socotaa laanteeda UNESCO, xogtii u dambaysana waxay sheegaysaa in ku-dhowaad 30% ardayda dheddig ee Dunida ka doortaan waxbarashada qaybaha loo soo gaabiyo STEM (Science, Technology, Engineering, Mathematics).

Waliba hoos u dhac ilaa 3% ah ayaa la gaarsiiyaa qayb dhan oo si xawli ah u sii fidaysa sida culuunta IT (Information Technology and Communication); wax ka yar 1 gabar 30kiiba ayaa doorata in ay qaataan maaddooyin la xiriira dunida isgaarsiinta casriga ah (Digital Communication).

Si kasta ha ahaatee xaaladaha ayaa lagu warramayaa in ay ku kala gedisan yihiin Gobollaga  caalamka iyo dalalka kala duwan.

Haddii la eego dhanka shaqada ee laga tago waxbarashada waxaa mar kasta la arkayaa, sida Xogta UNESCO,  in dunida oo idil dumarku ka yihiin wax ka yar 30% tirada guud ee dadka ka shaqeeya cilmi-baarista (mid Dawlad iyo mid gaar ahba).

Xilli lagu guda jiro bilowga kacaankii 4aad ee Warshadaha, dumarku waxay wali haystaan, marka loo eego ragga, wax ka yar 3 dalool oo 2 meelood fursadaha shaqada.

Shaqooyinka mustaqbalka waxaa la wareegi doona Teknolojiyo iyo casriyayn (innovation), haddii marka farqiga jinsiga ee dhinacyada waxbarashada iyo sayniska aan dhakhso loo buuxin gaabka u dhexeeya 2da jinsi waa sii ballaaran doonaa.

Warbixinta oo lagu lafagurayo xaaladaha dalalka dunida qaarkood waxaa lagu xusayaa mid ka mid ah sinnaan-la’aanta jinsiga ee dhanka sayniska oo lagu sheegayo (Glass Ceiling).

Taas oo lagu macnaynayo caqabadaha gabdhaha iyo guud ahaan dumarka ka haysta in ay horey u socdaan: dumarku ilaa xad ayay tiigsan karaan laakiin waa adagtahay in ay jaranjarada sare ama hoggaaminta gaaraan.

Source:Kasmo Online
Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

0

Your Cart